Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Soomaalida...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Soomaalida Koofur Afrika

445
0
SHARE

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  Kulan casho ah waxaa uu la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, ganacsato iyo qeybaha bulshada ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Johannesburg ee dalka South Africa.

waxaa sidoo kale kulanka joogay madaxda safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka South Africa, sida Safiir Jamaal Maxamed Barrow,qunsulka safaaradda Maxamed Cali Mirre iyo Xoghayaha  kowaad ee safaaradda Ismaaciil Cabdalle Soomane.

Kulanka waxaa uu ahaa mid is xog wareysi ah, waxaana qaar ka mid ah waxgaradkii  halkaasi ka hadlay si wadajir ah ay usoo dhaweeyeen madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo intaasi  kadibna ay warbixin guud ka siiyeen xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa oo maalmahii lasoo dhaafay weeraro dilal is daba joog ah kala kulmayay kooxo burcad ah.

Xasan sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ka hadlay kulanka, waxaana uu jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay, waxaana uu ugu horeyn u mahad celiyay jaaliyadda Soomaalida ee ku nool South Africa.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaasi kadib jaaliyadda warbixin ka siiyay Kulankii uu la galay madaxweynayaashii hore iyo Soomaaliya halka ay maanta taagan tahay, isagoo ku baaqay in ay qeyb ka noqdaan Soomaaliya horumarka ay hiigsaneyso.

 

LEAVE A REPLY