Kooxda Heegan oo soo bandhigtay ciyaartooydeedda cusub

Kooxda Heegan oo soo bandhigtay ciyaartooydeedda cusub

632
0
SHARE

Muqdisho (SONNA):- Kooxda Booliska Soomaaliyeed ee Heegan, ayaa maanta warbaahinta ugu soo bandhigtay magaalada Muqdisho xiddigaha cusub ee lasoo wareegtay.

Naadigan ayaa sameeysay seddex saxiix, waxanna ay kala yihiin Cabdicasiis Maxamed Catoosh, Mustaf Maxamed Yuusuf iyo Baazi Maxamed Baanna.

Mid ka mid ah laaciibiinta waxa ay kala soo wareegtay naadiga Dekadda oo xagaagan ku guulleysatay horyaalka kubadda cagta Soomaaliya, halka labbada kale ay kasoo qaadatay Jeenyo United.

“Waxaa kooxda kusoo biiray seddex saxiix oo muhiim ah, waxaan rajeynayaa inay wax badan ka beddelaan qaab ciyaareedka naadiga, Heegan waxa ay dhiirigelineysaa laacibiinta dalka, sannadka ma soo iibsan doonno ciyaartooy ajaanib ah.” Waxaa sidaasi ku waramay guddoomiyaha kooxda Heegan Cabdiraxmaan Mursal.

Cabdicasiis Catoosh, oo ka mid ah saxiixyadda cusub ee xilli ciyaareedkan waxa uu yiri: “Arrinta aan u imid Heegan, waa inaan la qaaddaa koobabka dalka laga ciyaaro oo dhan, waxaan ku faraxsanahay saaxiibaddeyda kubbada cagta inay halkan joogaan.”

Heegan, ayaa ka mid ah kooxaha bisha soo socoto ka qeyb galayo koobka Jenral Daa’uud.

LEAVE A REPLY