Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo sheegay inay Dowladiisu ogolaaneyn Burburka Venezuwella.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo sheegay inay Dowladiisu ogolaaneyn Burburka Venezuwella.

387
0
SHARE
WASHINGTON, DC - MARCH 02: U.S. Vice President Mike Pence speaks during a swearing-in ceremony in the Vice President's ceremonial office at Eisenhower Executive Office Building March 2, 2017 in Washington, DC. Ben Carson was sworn in as the Housing and Urban Development (HUD) Secretary in the Trump Administration. Alex Wong/Getty Images/AFP

Miyami-(SONNA) – Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka  Mike Pence ayaa shaaca ka qaaday inuu dalkiisa marna ogolaaneyn burburka dalka Venezuwella, isagoo cadeeyay in hadii ay taa dhacdo inay halis gelinayso Dowlado kale ee la jaarka ah dalkaasi.

Wuxuuna intaa raaciyay  inay Dawladda Mareykanka  iyo dalalka xulufada la ah ee ku yaal Latin Ameeika  aysan marna ogolaaneyn khatar ceynkaas ah ee soo wajahda Venezuwella, isagoo wacad ku maray inay si isku duubni ah ay u wajihi doonaan dhibaato kasta ee la soo deresta dalkaasi,ayna ka hortagi doonaan handidaad kasta ee ka dhanka ah.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ,wuxuu kaloo sheegay sidii horayba uu u cadeeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu dalkiisa uu qeyb libaax ka qaadan doono howlgalka ka dhanka ah la dagaalanka mukhaadaraadka iyo Tubaakada kale ee khatarta ah ee la soo geliyo dalkaasi.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka ee ku Wajahan dalkaasi Venezuwella, ayaa warbaahinta caalamka qaar u fasireen  suurta galnimada inuu Mareykanku faragelin Mileteri ku sameeyo dalkaasi, balse waxay cadeeyeen in Mareykanka keligiisa go’aan noocaas ahi gaari Karin.

LEAVE A REPLY