Aas loo sameeyay Xildhibaan ka mid ahaa Hirshabeelle oo geeriyooday

Aas loo sameeyay Xildhibaan ka mid ahaa Hirshabeelle oo geeriyooday

535
0
SHARE

Waxaa saakay Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Jowhar Allaha u naxariistee Marxuum Aadan Macalin Cali oo kamid ahaa Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Marxuumka ayaa geeriyooday xalay fiidkii ka dib markuu wadnaha istaagay, Waxaana Ka qeybgalay Aaska Xildhibaanka Madaxweynaha Kmg ahna Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Md Cali Guudlaawe Xuseen, Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka, Wasiiro iyo Xildhibaanada Hirshabeelle.

Dhamaan dadkii goobta isugu yimid Waxay allaah uga baryeen Inuu naxariistiisa janno siiyo marxuumka oo ahaa shaqsi jecel hormarka Bulshada.

Xildhibaanka da’diisa waxay aheyd 55-sano jir, wuxuuna hore u soo noqday guddoomiye kuxigeenkii 1aad ee Gobolka Hiiraan, isagoona ka mid ahaa xildhibaanada laga soo doortay Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY