Bayern Munich oo u dhaqaaqday Julian Draxler

Bayern Munich oo u dhaqaaqday Julian Draxler

216
0
SHARE

Munich (SONNA):- Kooxda Jarmalka ee Bayern Munich ayaa doonneyso inay lasoo saxiixato kubadd-sameeyaha PSG Julian Draxler, sida wararku ay sheegayaan.

Xiddigan heerka caalami ee reer Jarmal ayaa mustaqbalkiisa kooxda waxa uu shaki galay markii Paris ay soo qaaday laacibka Barcelona ee Neymar.

Waxaa kale oo lala xiriirinayaa kooxaha Ingiriiska ee Arsenal iyo Liverpool, sida uu daabacay wargeyska The Times, Gunners ayaa ugu cad cad kooxaha bartilmaameedsanayo.

Sidoo kale wargeyska The Sun, ayaa isana tabinayo macallin Carlo Ancelotti, inuu aad u doonnayo soo helitaanka laacibkan.

Draxler, ayaa horay kaga soo tagay Wolfsburg, waxanna uu ku yimid garoonka Parc des Princes, adduun dhan 35.5 milyan oo bound.

 

LEAVE A REPLY