Howlgalka xasilinta amniga oo ka bilaawday Magaalada Beladweyne

Howlgalka xasilinta amniga oo ka bilaawday Magaalada Beladweyne

376
0
SHARE

Howlgalka xasilinta amniga ayaa ka bilaawday qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, iyadoo shacabka ku dhaqanka gobolkaasi ay soo dhaweeyeen howlgalka lagu xoojinayo Nabadgelyada.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga magaalada Beladweyne Maxamuud Cali Maxamuud oo Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay socdaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga oo looga hortagayo dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa xusay in howlgalka laga fuliyay xaafadaha magaalada Beladweyne iyo deegaannada u dhaw, ayna socon doonaan howlada nuucaani ah.

“Howlgalka waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira boolis iyo militeri, kuwaasi oo tegaya meel kasta oo kamid ah magaalada si ay u xaqiijiyaan amniga magaalada Beladweyne, loogana hortago waxkasta oo carqaladeynaya nabadgelyada” ayuu yiri Maxamuud Cali Maxamed.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga magaalada Beladweyne Maxamuud Cali Maxamuud ayaa sheegay inaysan jirin cid lagu soo qabtay howlgalka inta uu socday, balse ujeedka howlgalka uu yahay xoojinta amniga.

LEAVE A REPLY