Dowladda Mareykanka oo sheegtay in Daacish maalmo kooban keliya u harsan tahay

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in Daacish maalmo kooban keliya u harsan tahay

365
0
SHARE

Baqdad-(SONNA)-Xoghayaha Difaaca Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in kooxda xagjirka ee Daacish ay iminka qarka u saaran yihiin baaba’ ayna u harsan tahay keliya maalmo kooban. Waxuu intaa raaciyay in Daacish ay noqdeen kuwa luqunta xarig ugu xiran oo geed ka soo  raaraca,xiligoodana uu dhamaaday.

James Mattis  oo maanta gaaray magaalada Baqdaad ayaa kulamo layeeshay R/wasaaraha Dalka Ciraaq Haider al-Abadi, Wasiirka Gaashaandhigga Ciraaq iyo Saraakiisha Ammaanka , iyagoo kawada hadlay Dagaalka Daacish.

Xogahayaha ayaa daboolka ka qaaday in Ciidamada Ciraaq oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka ay soo gabagabeeyeen  Xoreynra Magaalada Mousel, haatana ay dagaal culus ku qadeen sidii ay dib uga qabsan lahaayeen kooxda Daacish magaalada Talafar.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in marka ay Ciidamadaasi xoreeyaan ay u jiheysan doonaan mandiqada waadiga dhexe ee alfuraat oo dhaca galbeedka magaalada Qadiimiga ah ee Ciraaq oo lagu  magacaabo al-qaaim ilaa ay ka gaaraan Bariga Suuriya.

Xoghayaha waxaa socodaalka uu ku tagay magaalada Ciraaq ku wehliyay Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Ciidamada Isbaheyga ee ku sugan Ciraaq, kuwaas oo iminka dagaal adag kula jira kooxda xaqjirka ee Daacish oo waqtigooda gabaabsiga yahay.

Xigasho:-IinaNews.com

LEAVE A REPLY