Golaha Amaanka oo maanta ka hadlaya xaalka Falastiin

Golaha Amaanka oo maanta ka hadlaya xaalka Falastiin

278
0
SHARE

New-York-(SONNA)- Fadhigaan maanta oo Talaado ah uu yeelanayo Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda Bariga dhexe gaar ahaan dhulka la haysto ee falastiin.

Golaha ayaa wuxuu warbixin faahfaahasan ka dhagaysan doonaa xoghaynta guud ee qaramada midoobay ee arinkaan u xilsaarnayd, sidoo kale wuxuu Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay, isagoo la kaashanaya Jaamacadda carabta uu todobaadkaan gudahiisa isla jeexjeexi doonaan xaaladda Falastiin.

sidoo kale waxaa golaha Ammaanku fadhi ka yeelan doonaa xaalka ergada Caalamiga ah ee ku sugan Koonfurta Lubnaan,iyo sidii muddo kordhin loogu samayn lahaa.

LEAVE A REPLY