Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la kulmaya Sheekha Al-Azhar

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la kulmaya Sheekha Al-Azhar

720
0
SHARE

Al-Qaahira (SONNA)- Madaxweynaha   jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo Sheekh Alazhar Shariif  Dr. Ahmed Aldhayib.

Sida uu qorshuhu yahaya waxay  labada dhinac kulankaasi uga wada hadli doonaan arimaha ay wadaagaan labada dal Soomalia iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada  argagixisada iyo xagjirnimada, qiyaamka bani’aadamka  iyo guud ahaan sugidda arrimaha amniga Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya Mudane Farmajo iyo Wafdiga uu hogaaminayo inta ay joogaan magaalada Qaahira waxay la kulmi doonaan Madaxda dalkaasi Masar iyo Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barata magaalada Qaahira iyo Gobolada kale ee dalkaasi Masar.

 

 

LEAVE A REPLY