Boqortooyada Sacuudiga oo dhameystirtay arrimaha Xajka ee Sanadkan.

Boqortooyada Sacuudiga oo dhameystirtay arrimaha Xajka ee Sanadkan.

555
0
SHARE
????????????????????????????????????

Makah (SONNA)- Qoraal ka soo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay  in Boqortooyada sacuudiga ay sanadkan si habsami ah ugu diyaar garowday soo dhaweynta iyo marti gelinta Xujeydii ugu badneyd ebed ee soo marta Taariikhda Xajka ee Sanadkan.

Qoraalku wuxuu intaa raaciyay in  Iyadoo lagu duulayo awaamiirta Boqorka Sacuudiga isla markaana ah u adeegaha labada xaram Boqor Salman bin C/Casiis, oo aheyd  in xujeyda gudanaysa Xajka ee sanadkan lagu kordhiyo Tirada xujeyda 800 kun Xaaji oo ka kala imanaya gudaha iyo dibadda dalkaasi.

Guddiyada loo xilsaaray marti gelinta xujeydaasi ayaa iyana si hamsami ah u dhameystiray dhamaanba imkaaniyaadkii xujeydaasi ay ugu baahnaayeen gudashada waajjibaadka ee Xajka.

Sida lagu xusay qoraalkaasi ka soo baxay Boqortooyada Sacuudiga  waxay tiradaa xujeyda Sanadkan gudanaysa waajibbaadka xajka ay gaari doontaa ama lagu qiyaasay 2.6 milyan oo Xaaji,iyadoo xajkii kan ka horeeyay tirada xujeyda xajisay ay dhamaayeyd1.862 Xaaji oo isugu jira Rag iyo Dumar,kuwaasoo 1.325 Xaaji oo tiradaasi ka mid ahna ay ka  yimaadeen Dibadda dalka Sacuuiga.

Wasiirka  Xajka iyo Cimrada ee Xukuumadda Sacuudiga Dr. Mahamed Saalah Bin Daahir, ayaa ka hadlay qorshaha wasaaradiisa ee xajka sanadkan wuxuuna cadeeyay in 95 kun shaqaale oo isugu jira Rag iyo Haweyn loo diyaariyay fulinta barnaamijka Xajka  iyo u adeegidda arrimaha xujeyda sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka.

Xigasho:-IinaNews

LEAVE A REPLY