Sacuudiga oo Todoba Duulimaad u qorsheeyay Xujeyda Qadar.

Sacuudiga oo Todoba Duulimaad u qorsheeyay Xujeyda Qadar.

783
0
SHARE

Jeddah 19(SONNA)- Boqortooyada Sacuudiga  ayaa sanadkaaan ilaaTodoba Duulimaad u qorsheysay Xujeyda dalka qadar ee gudanaysa waajibaadka Xajka.

Duulimaadyadaasi  ayaa la qorsheeyay in ay socdaan inta u dhaxeysa 22- 25ka bishan aynu ku jirno ee Augosto,kuwaas oo  Xujeyda laga soo qaadayo Garoonka magaala madaxda dalka Qadar ee Doxa,iyagoo la keenayo  Garoonka  Diyaaradaha caalamiga  ee Boqor  C/casiis Ala sacuud ee magaalada Jeddah

Warku wuxuu intaa ku daray in dulimaadka xujeydaasi dib loogu celinayo wadankooda Qadar uu isna bilambi doono 5-ta bisha Setember ee soo socota,waxaana  kharashka ku baxaya xujeydaasi qadariyiinta sanadkan kafaala qaaday Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan bin C/casiis.

Dhanka kale hay’adda guud ee Diyaaradaha Rayidka ah ee sacuudiga ayaa garoomadeeda ugu qorsheysay soo dhaweyn wanaagsan Xujeyda Sanadkan gudaneysa  waajibaadka Xajka oo ka kala imanaya dunida dacladaheeda.

LEAVE A REPLY