Barcelona oo laga diiday dalabkii seddexaad ay ku doonneysay Coutinho

Barcelona oo laga diiday dalabkii seddexaad ay ku doonneysay Coutinho

420
0
SHARE

Barcelona (SONNA):- Kooxda kubadda cagta ee Barcelona, ayaa lasoo sheegayaa in laga diiday dalabkii seddeexaad oo ay ku baacsaneysay khadka dhexe Liverpool Philippe Coutinho.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp, ayaa horay u sheegay inuusan marnaba iib aheyn Coutinho, kooxda Barca ayaa xiddigan u aragtay beddelka Neymar oo ay 200 milyan oo bound ay kaga iibisay PSG.

Wargeyska The Sun ee kasoo baxo Ingiriiska, ayaa waxa uu wariyay qorshihii seddexaad ee Barca ku doonneysay Coutinho inuu fashilmay.

Liverpool, ayaa laacibkan waxa ay horay uga soo iibsatay naadiga Inter Milan, iyadoo kusoo qaadatay 8.5 milyan oo bound sannadkii 2013.

 

LEAVE A REPLY