Bahda cayaaraha dalka oo ka tacsiyadeeyay geeriddii Cusmaan Jaamac Diraac

Bahda cayaaraha dalka oo ka tacsiyadeeyay geeriddii Cusmaan Jaamac Diraac

480
0
SHARE

Muqdisho (SONNA):- Iyagoo shir ku leh magaaladda Muqdisho wasiirka wasaarrada dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirrada wasaarradaha dhallinyarada iyo cayaaraha maamul goballeedyadda, gobalka Banaadir, ayaa waxa ay ka tacsiyadeeyeen geeriddii ku timid Allaha u naxariistee Cusmaan Jaamac Diraac, oo ahaa guddoomiyihii guddiga garsoorayaasha xiriirka Soomaaliyeed kubadda cagta.

Diraac, ayaa kooxo hubeysan waxa ay dileen isagoo kasoo baxay salaadda cishaha, waxanna uu ku dukaday masjid ku yiillay degmada Warta-nabadda gaar ahaan xaafadda Xamar-Bile.

Wasiir ku xigeen dhallinyarada iyo cayaaraha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdalla Cali, oo ku hadlay codka dadkii maddasha joogay ayaa ka tacsiyeeyay geeridda ku timid guddoomiiyihii guddiga garsoorayaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

FG: Halkan ka dhageyso shirka jaraa’id ee wasiirka ku xigeenka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY