Tartanka kubadda cagta ee maamul goballeedyadda oo la shaaciyay xilliga la dheellayo+...

Tartanka kubadda cagta ee maamul goballeedyadda oo la shaaciyay xilliga la dheellayo+ DHAGEYSO

800
0
SHARE

Muqdisho (SONNA):- Labaddii maalin ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxa uu shir uga socday wasiirka wasaarrada dhallinyaradda iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirrada dowlad goballeedyadda, gobalka Banaadir iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Shirkan ayaa diirrada lagu saarayay cayaaraha goballadda ee 21 bisha October ka furmi doonno magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray gabagabada kullanka waxaanna warbaahinta u aqriyay agaasimaha guud wasaarrada shaqadda iyo shaqaallaha, dhallinyarada iyo cayaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tiggaana.

FG: Halkan hoose ka dhageyso war-murtiyeedka oo dhammeystiran.

LEAVE A REPLY