Madaxweymaha Mareykanka iyo Raiisul Wasaaraha Jabaan oo ka wada hadlay Xaaladda Kuuriyada...

Madaxweymaha Mareykanka iyo Raiisul Wasaaraha Jabaan oo ka wada hadlay Xaaladda Kuuriyada Woqooyi

383
0
SHARE

Tokyo(SONNA)–Madaxweynaha dalka Mareykanka iyo Raiisul-wasaaraha dalka Jabaan ayaa isku afgartay in laga wada shaqeeyo joojinta Gantaalada ay sheegtay kuuriyada woqooyi in ay ku dhufan doonto Jasiiradda Gawaam ee hoostaga dalka Mareykanka.

Raiisul-wasaaraha Jabaan ayaa Saxafiyiinta u sheegay in khadka Taleefanka ay kaga wada hadleen Madaxweynaha Mareykanka Arimaha khuseeya Gantaalo ay sheegtay Kuuriyada Woqooyi in ay ku garaaci doonto Jasiirada Gawaan ka dib kaarto ay Madaxda Meletariga Kooriyada woqooyi ay u gudbiyeen Madaxweynahooda, waxa uuna intaa raaciyay in khal-khal badan ay ku abuurtay Xaalada Gobolka.

Dhanka kale War Saxaafadeed kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Mareykanku diyaar u yahay in uu difaaco dhulkiisa, kan Jabaan iyo Kuuriyada Koonfureed.
Saraakiisha Kuuriyada Woqooyi ayaa u gudbiyay Madaxweynaha dalkaasi warbixin ay ku xusan tahay in laga yaabo inay Gantaalo ku dhuftaan Jasiirada Gawaam oo muhiim u ah Ciidanka Mareykanka, isla markaana ay saldhigyo ku leeyihiin.

Wareysi uu siiyay Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Wakaaladda Wararka ee Dalkaasi ayuu ku sheegay in Mareykanku khasab ku tahay in uu joojiyo hab dhaqanka Qalafsan ee uu kula dhaqmayo dalkiisa, uuna ka fiirsan doono talaabada uu qaadayo isagga eegaya hab dhaqanka Mareykanka ee ku aadan dalkiisa.

Dhanka kale Dowladda Jabaan ayaa shaacisay in la filayo bishaan gudaheeda in booqashadii ugu horeysay sidii loo magacaabay ay dalkaasi ku imaado Raiisul-wasaaraha Ingriiska Theresa May, iyada oo arrimaha ay labada Raiisul wasaare ka hadli doonaan ay ka mid tahay Xaalada Kuuriyada Woqooyi iyo sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen.
Dhanka kale shiinaha oo xiriir dhaqaale kala dhexeeyo Kuuriyada woqooyi ayaa ergay cusub u magacaabay Arimaha Kuuriyada Woqooyi, iyada oo sheegtay in ay joojisay qeybo ka mid ah Ganacsiga ka dhexeeyay labada dal qaarkood sida Rasaasta oo kale.

Wakaaladda Kuuriya Woqooyi oo soo xiganaysa Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibadda dalkaasi ayaa sheegtay in Madaxtooyada Kuuriyada Woqooyi aysan haatan Muhiim u lahayn in ay la Xaajooto dalka Mareykanka.

Xuquuqda Qoraalka: ALJAZEERA ALCARABIYAH.
Tarjumaad: Maxamed Cabdiqaadir Axmed “Socdaal”

LEAVE A REPLY