Warbixin:-Hanjabaadda adag ee Maraykanka iyo diyaargarowga Beyong-Yang

Warbixin:-Hanjabaadda adag ee Maraykanka iyo diyaargarowga Beyong-Yang

980
0
SHARE

Muqdishu-(SONNA)-Saraakiil u hadashay Gaashaandhigga Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada maraykanka ee  ku sugan Jasiiradda Guam ee Badwaynta Baasifigga ay si buuxda ugu diyaargaroobeen ka hortagga  weerar kasta oo kaga yimaada Waqooyiga kuuriya.

Gaashaandhigga Maraykanka ayaa arinkan  ku salaynaya Xog dhinaca dayax-gacmeedka ah oo tilmaamaysa in Beyong-Yang ku diyaarisay Maraakiibteeda Gujiska ee badda hoosteeda marta Gantaallo Balaastikada ah oo ay doonayso inay ku weerarto Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Jasiiradda Guam.

Dhanka kale waxaa soo kordhaya walaaca aduunyada arintaan ka qabto, waxaana dalalka Shiinaha iyo faransiisku ugu yeereen labada dhinac inay hoos u dhigaan heerka wararka dhiilada xambaarsan oo ay is dhaafsanayaan.

Baaqaan Nabadeed ee loo jeedinayo labada dal ayaa ku soo beegmaya kadib markii dhawaan Maraykanku sheegay in Ciidamadiisu ay diyaar u yihiin in ay dalkooda difaacaan gaar ahaan Jasiiradda Guam oo ku taal Badweynta Baasifigga isla markaana ay Waqooyiga Kuuriyana la kulmi doonto Dab iyo Holac, hanjabaadda Maraykanka ayaa ka danbaysay kadib markii Waqooyiga kuuriya ay sheegtay inay qorshaynayso inay gantaallo ku tuurto agagaarka Jasiiradda Guam

Waxaa soo kordhaya walaaca dunidu ay ka qabto hanjabaadahan ay isdhaafsanayaan dalalka Maraykanka iyo waqooyiga kuuriya.

Waqooyiga kuuriya wuxuu joqoraafi ahaan daris la yahay dalwaynaha Shiinaha iyo koofurta Kuuriya oo Maraykanku saldhig ku leeyahay, Beyong-Yang waayadaan danbadba waxay waday tijaabooyin joogta ah ee dhinaca Nukliyeerka ah iyo Gantaalaha Balaastikada ah nooca ridada dheer ee qaaradaha iskaga gudba.

Hadaba su’aashu waxay tahay Dagaalkaan Boodyaqaawinta ah ee ka dhaxeeya Maraykanka iyo waqooyiga kuuriya, waa tuma cidda Waqooyiga kuuriya daaha gadaashiisa u taagan ee uu isku halaynayaan.

 

LEAVE A REPLY