Guddoomiyaha Golaha shcabka oo K/ Africa kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha shcabka oo K/ Africa kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed

491
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) Wefdigaan uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh cusmaan “jawaari” ayaa waxaaa ka mid ahaaa Safiirka Soomaaliya u fa dhiya Dalka Koonfur  Africa Jamaal Maxamed Barrow, Xoghayaha joogtada ah ee Golaha Shacabka Cabdikariim Buux iyo Xillibaan Cabi Xukun.

Magaalada Cape Town wefdigaan   waxaa  ku soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo ay hor kacayaan Qunsulka safaarada Maxamed Cali Mirre “Nabadoon” iyo doyaasha dhaqanka,ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Cape Town.

Markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha ayaa guddoomiyaha waxaa uu gacanta salaan la maray dhamaan dadkii soo dhaweeyay waxaana ka hadlay Daahir Baasto guddoomiyaha Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee magaalada Cape Town oo ku hadlayay codka bulshada Magaalada Cape Town wuwuuna sheegey in ka jaaliyad ahaan ay siweyn u soo dhaweynayaan wefdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha golaha shacabka ayaa banaanka garoonka diyaaradaha kula hadlay dadkii ka qeybqaatay soo dhaweyntiisa waxaana uu sheegay in uu aad uga faraxsan yahay kana mahad celinayo

Gudoomiye Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari waxaa uu sheegay in uu kulan la qaadan doono Soomaalida ku nool Cape Town asaga oo dhageysan doona xaaladaha noloshooda iyo dhibaatooyinka loo geysto maadaama barlamaanka uu ku hadlo codka Shacabka Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY