Madaxweynaha Shiinaha oo Donal Trump u jeediyay in uu joojiyo hadalada kicinta...

Madaxweynaha Shiinaha oo Donal Trump u jeediyay in uu joojiyo hadalada kicinta leh

490
0
SHARE

Aljazeera(SONNA)( Muqdisho) Madaxwaynaha dalka shiinaha ayaa madaxwaynaha dalka maraykanka ugu baaqay in la joojiyo hadalada xanafta iyo xajiinta leh ee hawadda la isku marinaayo,isla markaana dib loogu noqdo miiska wada hadalka.

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibadda ee shiinaha ayaa khadka telefoonka kula hadlay wasiiradda arimaha dibada ee wadamada maraykanka iyo waqooyiga kuuriya,isagoo ugu baaqay labada dhinac in xaaladda cakiran lagu soo celiyo hab diblamaasiyadeed.

Pyongyang ayaa dhinaceeda ka sheegtay in hanjabaadaha maraykanku sabab u noqon karaan in la isticmaalo hubka nukliyeerka.

LEAVE A REPLY