Ciidanka xooga dalka oo la wareegay deegaankii lagu dagaalamay Abal ee...

Ciidanka xooga dalka oo la wareegay deegaankii lagu dagaalamay Abal ee Bokool

2428
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal 24kii saacadood aynu soo dhaafnay gudohooda uu Gobolka Bokool ku dhexmaray maleeshiyaad  katirsan Argagixisada Al-shabaab iyo maleeshiyaad kale oo daacad u ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Dagaalkaasi ayaa lagu soo waramaya in qasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac leh uu ka soo gaaray maleeshiyadii weerarka soo qaaday, ayadoo maleeshiyada daacadda u ah Abuu Mansuur oo ku sugan goob buuralay ah ay iska difaaceen.

C/raxmaan Max’ed Cusmaan Timacadde oo kamid ah saraakiisha ciidanka xooga dalka oo kusugan gobolka Bokool ayaa SONNA u sheegey in ciidamo katirsan xooga dalka oo gaaray goobta dagaalka uu ka dhacay ay la wareegeen deegaanka Abal islamarkaana ay qeyb ka yihiin dagaalkaasi ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab.

Dhanka kale wariyaha warbaahinta Qaranka ee gobolka Bokool Max’ed Xasan C/raxmaan ayaa soo sheegaya in xaaladda deegaanadii dagaaladu ay ka dheceen ay tahay mid degan, balse la dareemayo dhaq dhaqaaqyo dagaal, isgaarsiintuna ay go’antahay.

Cutubyo katirsan ciidanka xooga dalka ayaa saaka u amba baxay deegaanadii lagu dagaalamay,iyagoo xoojinayo gurmadka ku aadan sidii halkaasi looga saari lahaa maleeshiyaadka Shabaab oo Abuu Mansuur weerarka ku soo qaaday.

 

LEAVE A REPLY