Donal Trump oo Hanjabaad hor leh u jeediyay Kuuriyada Waqooyi

Donal Trump oo Hanjabaad hor leh u jeediyay Kuuriyada Waqooyi

439
0
SHARE

BBC (Muqdisho (SONNA) Madaxwaynaha wadanka maraykanka Dolond Trump ayaa si adag uga hadlay xaalada ka sii daraysa ee u dhaxaysa waqooyiga kuuriya iyo dalkiisa,waxaanu ku hanjabay in cunaqabataynta iyo gadoonka waqooyiga kuuriya aad iyo aad loo sii xoojin doono.

Dhinaca kale madaxwaynaha shiinaha ayaa ku baaqay in xaaladda  nabad lagu soo dabaalo si looga hor tago wax allale wixii dagaal horseedi kara sida uu sheegay TV-ga afka dawladda shiinihu.

Xaaladda u dhaxaysa wadamada maraykanka iyo waqooyiga kuuriya ayaa aad looga dayrinayaa, iyadoo maalmihii u danbaysay saxaafada aduun-waynuhu ay aad uga faloonaysay arimaha labada dhinac.

Lama oddorasi karo dagaal dhaca, lakiin xaalada taagani waxay ina tusaysaa in wakhtigu u eg yahay mid jahawareer oo loo akhrisan karo in saacad kasta wadnaha farta lagu hayo,markaad eegto sida wax u socdaan.

 

LEAVE A REPLY