Shil Tareen oo sababay Khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac leh oo...

Shil Tareen oo sababay Khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay Masar

677
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) Shilkan ayaa ka dhacay  Koonfurta magaalada Qaahir ee caasimadda dalka Masar kaasi oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 30 qof halka 80 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sida ay sheegeen sheegayaan saraakiisha dalka Masar, mid kamid ah labadaasi Tareen ayaa ka soo baxay magaalada Qaahira halka midka kalena uu ka yimid magaalada Port Said ee ku beegan Waqooyiga  magaaalada Alexandria.

Televisionka Qaranka dalka Masar ayaa baahiyay muuqaalo ku aadan sida uu shilkaasi uu u dhacay, ayadoo la arkayay dhaawacyo badan oo lagu qaadayo gaadiidka gurmadka deg dega ah.

Ilaa iyo haatan lama sheegin waxa sababay in ay isku dhacaan labadaasi Train, balse waxaa soconaya baaritaano ku aadan sababta dhalisay  shilkaasi

Dalka Masar ayaa waxaa kajira dhibaato bulshadu ay ku qabaan waddooyinka Trainada aygoo ka codsady dowladda in ay arrimhaasi wax ka qabato.

 

LEAVE A REPLY