DHAGEYSO: Maleeshiyada Shabaab oo khasaare xooggan ka soo gaaryey dagaalkii Bokool

DHAGEYSO: Maleeshiyada Shabaab oo khasaare xooggan ka soo gaaryey dagaalkii Bokool

1129
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) Waxaa xaalad degnaansho ah laga dareemayaa  deegaanka Abal  ee Gobolka Bokool oo dhawaan ay ku dagaalameen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabaab iyo Maleeshiyaad kale oo daacad u ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ,iyadoo faah-faahin dheeraad ah ay ka soo baxayso khasaarihii halkaasi ka dhashey.

Sida uu soo sheegayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Magaalada Xudur Max’ed Xasan C/raxmaan oo soo xiganaya saraakiil, in kabadan 10 qof ayaa lagu soo warmaya in Maleeshiyaadka Al-shabaab ay kaga geeriyootay dagaalkaasi, kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen, kuwaasi oo dhaawacyadoodi la sheegey in ay ula carareen deegaanada Seydheelow iyo Labaatan-Jirwo oo ka kala tirsan Gobolada Bay iyo Bokool.

Maleeshiyadii soo weerartay Abuu Mansuur ayaa la sheegayaa in dhexdooda uu dagaal xooggan dhexmaray, kadib markii qaar ka mid ah Maleeshiyadaasi ay ka soo horjeesteen in la weeraro.

Wareysi Wariyaheena Max’ed Xasan C/raxmaan.

Wareysi Bokool

 

LEAVE A REPLY