Mareykanka oo eryay Dibolomaasiyiin Kubaan ah

Mareykanka oo eryay Dibolomaasiyiin Kubaan ah

403
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay dalkeeda ka erisay laba dibolomaasiyiin u dhashay waddanka Kuba saababo la xiriira dhacdo sabababtay xagga caafimaadka shaqaale Mareykan ah oo ka shaqeynayay safaaradda Havana ee Caasimadda dalka kuba.

Afhayeenad u hadashay  waaxda arrimaha Dibadda Mareyka Heather Nauert  ayaa shir jara’id ka sheegtay in dhacdan ay markii u horeysay maqleen dhamaadkii sanadkii 2016kii ayna soo gaarsiyeen shaqaale Mareykanka ah oo ka shaqeynayay Safaradda Mareykanka ee Kuba in qaar ka mid ah shaqaalaha Mareykanka ee Safaaradaasi  ay qabaan cudur xagga jirka ah.

Dhanka kale Dowladda Kuba ayaa dhankeeda ka xaqiijisay dhacdadan, waxaayna sheegtay inay aad ugu xuntahay  talaabada uu Mareykanku dalkiisa kaga eryay dibolomaasiyiintooda.

Sida laga warqabo  Dowladda Mareykanka ayaa  Nus qarni kadib, dib u soo ceshatay xiriirkii ay la laheyd Kuba sanadkii 2015 kii, lakin xiriirkaasi waxa uu mugdi galay Markii uu xukunka dalka Mareykanka la wareeyay Madaxweyne Donald Trump.

Xigasho:-Wakaaladda Iina

LEAVE A REPLY