FAALLO:-Wejigii 1-aad ee howlgalkii ka socday Sh/dhexe oo la soo gabagabeeyay

FAALLO:-Wejigii 1-aad ee howlgalkii ka socday Sh/dhexe oo la soo gabagabeeyay

581
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda dadaallo lagu doonayo in laga xoreeyo Kooxaha nabad-diidka ah ee wali ku harsan deegaanno ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana jira Howlgallo ama guluf ka dhan ah Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab oo bilihii u dambeeyay ka socday Deegaanno ka tirsan Maamul-goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo ujeedadiisu aheyd sidii looga ciribtiri lahaa haraaga Kooxdaasi deegaanada ay kaga dhuumaaleysanaan goobo hoos yimaada Maamulkaasi.

Goobihii ugu dambeeyay ee ay howlgalladu ka dhaceen waxaa ka mid ahaa Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana ka soconayay howlgalo ballaaran oo looga sifeynayo Deegaanadaasi Maleeshiyada kooxda Al-shabaab, kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya deegaanno ka tirsan Gobolkaasi.

Haddaba Dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta AMISOM iyo Maleeshiyada Al-shabaab ayaa ka dhacay Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana jab iyo halaag la gaarsiiyay Al-shabaab, iyadoo lagala wareegay deegaanno muhiim u ahaa Kooxdaasi oo ay Dadweynaha ku dhibaateyn jireen.

Deegaannada lagala wareegay Kooxda Al-shabaab ayaa ku fadhiya dhul lagu qiyaaso 100 KM, waxaana ka mid ah Deegaannada ay Ciidamadu la wareegeen Cali Fool dheere,Warciise, iyo Deegaanno ku xeeeran Webiga Jiinkiisa, waxaana ka hadlay Guusha ay Ciidamada gaareen Guddoomiyaha Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada Dexe iyo Abaaduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Gen. C/llahi Cali Caanood oo ah abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegey in dhul lagu qayaasayo dhirar ahaan 100 KM ay kaga qabsadeen kooxaha argigixisada, kadib howlgallo muddo bil ah ka socoday Gobolkaasi.

“Meelaha howlgaladaasi uu ka socday, islmarkaana aan kala wareegnay Kooxda Al-shabaab waxaa ka mid ah Cali-Fooldheere,Warciise, ilaa deegaannada ku xeeran Webiga Jiinkiisa, waa dhul musaafo ahaan gaaraya ilaa 100 KM waana sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha nabaad diidka ah”, Ayuu yiri Gen. Caanood.

Howlgalkaasi ay sameeyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada Dhexe, wuxuuna isna xaqiijiyay in howlgalkaasi jiro, islamarkaana Kooxda nabad-diidka lagala wareegay goobo badan oo ay ku sugnaayeen, kuna dhibaateyn jireen Shacabka Soomaaliyeed kuwooda Xoola dhaqatada iyo Beeraleyda ah.

“ Deegannada lagala wareegay waxaa ka mid ah Cali Fool-dheere, War-ciise iyo Deeggaanno badan oo ku teedsan Wabiga Shabeelle Jiinkiisa, waxayna Tuulooyinkaasi laga qabsaday ku dhibaateyn jireen Maleeshiyadku Dadweynaha ku dhaqan meelahaasi, waxayna u geysan jireen Dilal, Dhac, hanjabaad iyo baad joogta ah, balse Ilaah mahadii hadda waa laga dul-qaaday cadowgii ”, ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Mahadaaay.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sidoo kale howlgallo ka wadaan qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Kuwaasi oo dhammaantood ujeedadoodu tahay sidii looga ciribtiri lahaa Kooxaha nabad-diidka ah Deegaannada ay wali kaga harsan yihiin Dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in dhawaan ay bilaaban doonaan wejioga 2-aad ee howlgallada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.

W.Q:- C/llaahi Ruush

LEAVE A REPLY