W/Kuuriya oo ka baaraandegeysa  weeraro lagu qaado saldhigga  Mareykanka ee Pacific-ga

W/Kuuriya oo ka baaraandegeysa  weeraro lagu qaado saldhigga  Mareykanka ee Pacific-ga

646
0
SHARE

W/Kore ayaa sheegtay in ay ka fiirsanayaan fulinta gantaallo dhinaca cirka oo lagu weeraro saldhigga Guam ee  ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dhul ku yaalla badda Pacific

Wararkaan oo ay sii faayeen warbaahinta ku hadasha codka dowladda ee W/Kuuriya,isla markaana soo xiganaayey war xasaafadeed ay bixiyeen ciidamada dalkaasi ,ayaa yimid saacado kadib,markii Madaxweynaha Donald Trump uu dalka W/Kuuriya ugu hanjabay si caro leh.

Wakaaladda Wararka ee W.Kuuriya ayaa sheegtay in dowladda dalkaasi ay ka baaraandegayaan qorshe la xiriira sidii gantaalada ridada sare iyo kuwa ridada dhexe loogu weerari lahaa saldhiga Guam oo ah xarun ay ku sugan yihiin diyaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka.

Hadalada ay isweydaarsanayaan labada xukuumadood  waa kuwo sare u qaadaya xaaladaha murugsan ee haatan jira

 

LEAVE A REPLY