Marco Verratti oo caddeeyay mustaqbalkiisa PSG

Marco Verratti oo caddeeyay mustaqbalkiisa PSG

354
0
SHARE

Xiddiga Marco Verratti, ayaa xaqiijiyay inuu sii joogi doonno kooxda Paris Saint-Germain xagaagan.

Barcelona, ayaa si xooggan loola xiriirinayay 24-sanno jirkaan, waxanna wararka qaar ay sheegayeen in laacibka uu tagi doonno inta uu furan yahay daaqadda suuqa kala iibsiga.

Khadkan dhexe waxaa la rumeysan yahay qorshihiisa ka tagista Paris inuu beddelay imaanshiyaha Neymar.

 

“Barcelona, ma jiro wadda-xaajood aan la leeyahay, waxaan sii joogayaa kooxda, aniga aad ayaan ugu faraxsanahay, waxaa fikirkeyga beddelay imaanshiyaha Neymar.” hadalkan ayuu u sheegay Sky Sport Italia.

Verratti, ayaa ciyaaray 90-ka daqiiqo kullankii horyaalka Faransiiska ee PSG ay la qaadatay dhiggeeda Amiens, iyadoo ciyaartaasi ku adkaatay 2-0.

 

LEAVE A REPLY