Chelsea oo si la yaab leh ugu dhaqaaqday Bale

Chelsea oo si la yaab leh ugu dhaqaaqday Bale

301
0
SHARE

LONDON (SONNA):- Kooxda heysato horyaalka waddanka Ingiriiska ee Chelsea, ayaa xiiso u muujisay xiddiga Gareth Bale iyadoo rabto inay kala soo saxiixatay Real Madrid, waxanna ay ku gorgorineysaa 90 milyan oo bound.

Bale, ayey macquul tahay inuu ka taggo garoonka Bernabeu, haddii weeraryahanka AS Monaco Kylian Mbappe uu aqballo ka mid noqoshadda kooxda cad cadka.

Manchester United, ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa weeraryahankan reer Welsh, sida uu qoray wargeyska The Express, Chelsea ayaa hadda u dhaqaaqday soo xerogelinta laacibka.

United, ayaa xilli ciyaareedkan ka daahday dalab ay u gudbiso kooxda Madrid kaas oo ku aadan Bale, Chelsea ayaa heli karto fursad ay Gareth ku qaadato.

Chelsea, ayaa gannacsi fiican la leh kooxda Real Madrid, waxanna ay dhawaan kala soo saxiixatay Alvaro Morata oo ay kusoo qaadatay 65 milyan oo bound.

 

LEAVE A REPLY