Cabdi Qeybdiid oo loo Doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka-SAWIRRO

Cabdi Qeybdiid oo loo Doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka-SAWIRRO

270
0
SHARE

Xarunta Villa Hargeysa ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay doorashada gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka iyadoo la dooranayay Gudoomiye ,Gudoomiye ku xigeen iyo Xoghaye.

Gudoomiyaha gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal waxaa isku soo sharxay Sedex Mudane waxaa tanaasulay Axmed Mayoow Cabdulle iyadoo ay isku soo hareen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

Waxaa bilaabatay codaynta Gudoomiyaha iyadoo ay codaynayeen 10-ka mudane ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee qaabilsan gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka waxaana lix cod helay Senater Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku guulaystay Gudoomiyaha gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal halka Senater Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uu helay afar cod.

Gudoomiye ku xigeenka gudiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka waxaa helay Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Kaamil ma jirin cid la tartanta

Xilka xoghayaha gudiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka waxaa u tartamay Laba Mudane oo kala ah Senater Xuseen Sheeq Maxamuud iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xasan waxaa lix cod ku guulaystay Senater Xuseen Sheeq Maxamuud halka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xasan uu helay afar cod.

Goobta doorashada ka dhacaysay waxaa ku  sugnaa labada gudoomiye ku xigeen ee golaha aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka, Gudoomiyaha gudiga dastuurka madaxa banana, Xubnaha labada golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u qaabilsan gudiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka iyo Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY