Guddoomiye Jawaari oo u ambabaxay dalka Koonfur Afrika

Guddoomiye Jawaari oo u ambabaxay dalka Koonfur Afrika

370
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS ayaa maanta u ambabaxay dalka Koonfur Afrika, halkaasi oo uga qeybgalayo shirka Guddomiyaasha  Baarlamaanada Afrika.

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jaawri ayaa waxaa sii sagootiyay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Xafiiska warfaafinta ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Wakaaladad Wararka Soomaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay safarka wefdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Inta ay ku sugan yihiin dalka Koonfur farica Guddoomiye Jawaari iyo wafdigisa waxa la filayaa in ay halkaasi kula kulmaan madaxda baarlamaanda Afrika.

Xarunta Baarlamaanada Africa ayaa waxaa ay ku taalaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa , waxaana inta badan diiradda lagu saaraa xaaladaha ka taagan qaar kamid ah wadamada Africa iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Baarlamaanada Afrika.

LEAVE A REPLY