Uganda iyo Tanzania oo daah furay mashruuc ballaaran oo dhuumaha saliida qaada...

Uganda iyo Tanzania oo daah furay mashruuc ballaaran oo dhuumaha saliida qaada ah

260
0
SHARE

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli iyo dhiggiisa Uganda  Yoweri Museveni  ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha dhuun qaada saliid ceyrin oo ka bilaabanaysa  deegaanka Hoima ee dalka Uganda gaaraysana  dekadda Tanzania ee badweynta  Indian ee Tanga.

Dhuunta saliida ceyriin ee Bariga Afrika oo loo soo gaabiyo EACOP  ayaa lagu dheririn doonaa 1,443-kilometer taas oo ku kacaysa aduun gaaraya 3.55 billion  oo dallarka Amerikaanka ah, waxayna maalintiii qaadaysa  200,000 liter oo saliid ah marka uu mashruuca la howlgeliyo. Kaas noqon doontaa kan ugu ballaaran adduunka oo noociisa ah.

Madaxda ku howlan dhismaha dhuuntan shidaal ayaa sheegay in ay bilaabi doonan mashruucan horaanta sanadka 2018 isla markaana qaadan doonta muddo 36 bilood ah iyadoo abuuri doonto 6,000 ilaa 10,000 oo shaqo.

Keydka saliidda ee dalka Uganda ayaa hadda lagu qiyaasaa 6.5 billion oo fuusto oo laga soo saari karo 1.7 billion dhul gaaraya.

Munaasabadda lagu daah furayay mashruucan ayaa waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin sar sare oo ay ka mid yihiin wasiirro iyo saraakiil kale oo ka kala socota hey’adaha kala duwan ee dowladda oo mashruucan uu quseeyo.

Isagoo ka hadlayay xafladda taariikhiga ah, ayuu madaxweyne Magufuli sheegay in mashruucan uu yahay mid horumar deg deg ah u keeni doono labada dal iyo guud ahaan bulshada bariga Afrika.

Madaxweynaha dalka Tanzania Mr. Magufuli, ayaa intaa ku daray in gobolka Tanga oo kali ah ay mashruucan ka faa’ideysan doonaan in ka badan 45,000 oo dhalinyaro ah.

Madaxweynaha dalka Uganda Museveni ayaa ku tilmaamay in dekadda Tanga ay tahay muhiim  halka jugfaari ahaan ay ku taallo iyo nabad gelyada gobolka.

Waxaa uu sheegay in mashruucan uu keeni doono saliid qiimo jaban korna u qaadi doonta duulimaadka gobolka, maadaama shirkadaha diyaaradaha ay heli karaan shidaal raqiis ah.

Wasiir ku xigeenka tamarta iyo macdanta ee dalka Tanzania Medard Kalemani, ayaa sheegay,  in dhismaha dhuuntan shidaal ay fulin doonaan sadex  shirkadood oo labo kamid ah laga leeyahay dalka France halka tan kale UK ka socoto.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dhuuntan ay mari doonto sideed gobol oo Tanzania ka tirsan, 24 degmo iyo 184 tuulo.

Dowladda Uganda ayaa qorsheynaysa in ay bilowdo soo saarista shidaalka sanadka 2020, waxaana la leeyahay sababta marinta Tanga loo doortay in ay tahay in Uganda uu qiimo ahaan u jaban tahay waddadan maadaama dhulkaasi uu u badan yahay mid siman oo aan kala koreynin.

LEAVE A REPLY