Shiinaha oo ku baaqay in W/kuuriya ay joojiyaan tijaabada gantaalada balaastikada .

Shiinaha oo ku baaqay in W/kuuriya ay joojiyaan tijaabada gantaalada balaastikada .

354
0
SHARE

 

Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Shiinaha ayaa dhigiisa W/Kuuriya u sheegay in xukuumadda Pyongyang ay joojiso tijaabada niyuklerka iyo gantaalaha balaastikada,saacado kadib markii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku heshiiyeen in cunaqabateyn cusub lagu soo rogo dalkaasi.

Wang Yi ,waxa uu ugu baaqay Wasiirka Arimaha Dibadda ee W/Kuuriya Ri Yong-ho in uu u hoggaansamo qaraarka Qaramada Midoobay oo maanta ku shiraya dalka Philippines.

Maalinimadii Sabtida qaraar lagu joojinaayo waxyaabaha W/Kuuriya ay dhoofiso,isla markaana lagu xadeynayo maalgelinta dalkaasi ayaa la shaaciyay in qaramada midoobay ay si wadajir ah isugu raacday.

Wasiirka Arimaha Dibadda Shiinaha Mr Wang  ayaa sheegay in loo baahan yahay cunaqabateynta,balse tallaabadaasi aysan noqon go’aanka kama dambeysta ,isgoo intaa ku daray in wadahadal laga yeesho arimahaasi,isla markaana W/kuuriya ay xaaladda dejiso.

Wasiirka Arimaha Dibadda Shiinaha ma sheegin in Wasiirka  Arimaha Dibadda W/Kuuriya uu wax jawaab ah ka cixiyay arimahaas.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY