Waa kaaf iyo kala dheeri in la dugsado muhaajiriinta ku sugan Mareykanka...

 Waa kaaf iyo kala dheeri in la dugsado muhaajiriinta ku sugan Mareykanka iyo in la dareensado.

291
0
SHARE

Daraasad cusub oo oo la sameeyay ayaa muujineysa in  qaxootiga magangalyo doonka ah ee sida sharci darada ah u jooga  dalka mareykanka ay gaarayaan 12-milyan oo ruux,halka   11-milyan oo loo qorsheeyay in la dhoofiyo lacagaha ku baxaya daadgureyntooda ay qaadaneyso qiimo aad  u badan oo balaayiin doolar ah.

haddii dadkaasi loo ogolaado in ay sii joogaan dalkaasi waxaa la shaaciyay in lacagaha canshuuraha ah ee ay bixiyaan waqtiga molodhooda ay lix mar ka badan tahay dhaqaalaha lagu rarayo sida laga soo xigtay warbixin cusub oo la sii daayey 3-dii bishaan. 

Steven A. Camarota, maamulaha Xarunta daraasaadka muhaajirinnta  ayaa yididiillo ku tilmaamay in tirada dadka sharci darada ah ee jooga Mareykanka ay ka imaan karaan lacago canshuur ah oo gaaraya 750-bilyan,taasoo lix mar ka badan 125-ka bilyan ee ku baxay daadgureynta dadkaasi

Baaris la sameeyay ayaa lagu sheegay in aan la qaadan karin ama la taageeri karin tallaabadaasi ah wadarta dadka sharci darada ah ee la doonayo in la dhoofiyo, balse ay mudan tahay in laga xaajoodo qiimaha ku baxaya dhoofinta iyo macaashka ay u soo hooyaan dowladda Mareykanka ee xagga canshuuraha ah.

Warbixin  kale oo ay sii daayeen  Golaha Falcelinta ee Mareykank  ayaa sheeegeysa  in celinta dadka gaaraya 11-ka milyan ay qaadaneyso 20-sano ,isla markaana ay ku baxeyso boqol-3-boqol oo  bilyan,taasoo ka badan qiimaha ay sheegeen Xaruta daraasaadka muhaajiriinta.

Maamulaha waaxda socdaalka Mareykanka  Thomas Homan ayaa u sheegay  Washington Times todobaadkii hore in in sanadkaan la celinaayo  dadka soo galay wixii ka dambeeyay 2012-kii .

Dadka sharci darada ah ee ay saameyneyso tallaabadaasi ceyrinta ah ee uu ku dhaqaaqay Mr.Trump,waxaa kamid ah dad ka soo jeeda Qaaradda Afrika,Aasiya iyo  Laatiin Ameerika,kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 11-milyan,halka wadarta guud ay yihiin 12-milyan oo dalka Mareykanka ku jooga bilaa sharci.

In ka badan 4-kun oo Soomaali ah ayaa ku jira dadka muhaajiriinta ah ee loo qorsheeyay in laga dhoofiyo dalka Mareykanka,waxaana xilligaan magaalada Muqdisho soo gaaray in ku dhow 3-boqol oo ruux.

Madaxweyne Trump ayaa wacad ku maray in uu dardargelinaayo celinta muhaajiriibta sharci darada ah ,wuxuuna dalbaday in  sanadka soo socda la sameeyo xerooyin lagu hayo dadka sharci darada ah ee la doonayo in dib loogu celiyo dalalkii ay ka yimaadeen,isla markaana la diyaariyo kun sarkaal oo qeyb ka qaata qaabka loo wajahayo celinta dadkaasi

Inkastoo lagu dhawaaqay in wax badan laga baddalay qorshihii Madaxweynaha dalka Mareykanka ee dhinaca celinta muhaajiriinta, haddana maamulada Xarunta daraasaadka muhaajirinnta iyo Golaha Falcelinta ee Mareykanka waxa ay soo jeediyeen in la xadeeyo tirada dadka ee la celinaayo,isla markaana laga faa’ideyso horumarka ay ku soo kordhinayaan gudaha dalkaaasi.

Waa kaaf iyo kala dheeri in dadka muhaajiriinta ah la dugsado oo la yiraahdo dalka ayeey dhaqaale soo galiyaan iyo in la dareensado oo lagu tilmaamo kuwo fadhiid ah oo aan ka qeybqaadan karin horumarka uu ku tallaabsanaayo Mareykanku.

Waxaa soo baxaya in siyaasiyiinta iyo dadka kale oo taageeraya ama  daneynaya in dadka muhaajiriinta la siiyo xuquuq la siman muwaadiniinta Mareykanka bacdamaa ay dalkaasi joogeen sanado badan,isla markaaana ay gacan ka geysteen horumarka baaxadda leh ee ka muuqda dalkaasi.

Mr.Obama Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka ,ayaa horay uga gaabsaday celinta dadka sharci darada ku jooga dalkaasi,halka Mr.Trump uu ku dhiiraday in dib loo celiyo bulsho weynta magangalyo doonka ah.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY