Barcelona oo xaqiijisay Neymar inuu ka taggayo

Barcelona oo xaqiijisay Neymar inuu ka taggayo

510
0
SHARE

Barcelona (SONNA):- War ay soo saartay kooxda Barcelona ayaa waxa ay ku xaqiijisay inuu naadiga ka tagayo laacibka Neymar, maadaama ay ku guuldarreysatay inay xafidato.

Xiddiga reer Brazil, ayaa doonnayo ka mid noqoshada kooxda Paris, waxaa la rumeysan yahay inay ku qaadan doonto adduun 222 milyan oo Euro oo u dhigganto 198.6 milyan oo Bound, 25-sanno jirkan ayaa noqonayo laacibkii ugu qaalisanaa kooxda.

Sidoo kale kooxda ayaa maanta tababarka ka fasaxday ciyaartooygan, waxanna taas lagu micneeyay markii horaba inuusan tababar u taggin balse uu doonnayay inuu saaxiibadiisa soo macasalaameeyo.

Nuqul ka mid ah qoraalka ayaa sidan u qornaa: “Saakay ka hor ma dareemin Neymar inuu doonnayo inuu naga taggo, sababta aan uga fasaxnay tababarka ayaa sidaas aheyd.”

Neymar, ayaa Barcelona kula guulleystay siddeed koob.

LEAVE A REPLY