War Deg Deg ah: Qarax gaari loo adeegsaday oo goor dhow...

War Deg Deg ah: Qarax gaari loo adeegsaday oo goor dhow ka dhacay magaalada Kismaayo

521
0
SHARE

Warar goor dhow inaga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari laga walxaha qarxa uu ka dhacay meel maqaayada ah oo dadku ay ku qaxweeyaan.

Sida uu ku soo waramayo wariyeheena magaalada Kismaayo qasaare ayaa jira oo qaraxa ka dhashey balse ilaa iyo haatan si rasmi ah looma xaqiijin karo.

Goobta qarax uu ka dhacay ayaa ah goob ay inta badan isugu yimaadaan bulshada magaalada Kismaayo.

Ciidama ammaanka  iyo mas’uuliyiin katirsan Jubbaland  ayaa halka qaraxa uu ka dhacay  gaaray.

Faah faahinta goor dhow kala soco SONNA.SO

LEAVE A REPLY