Inter Milan oo u dhaqaaqday Saido Mane

Inter Milan oo u dhaqaaqday Saido Mane

380
0
SHARE

Milan (SONNA):-  Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan naadiga Talyaaniga ee Inter Milan inay diyaar la tahay lacag dhan 35 milyan oo bound, si ay iibsato xiddiga Liverpool Saido Mane.

Xiddigan ayaa dhalliyay 13 gool, isagoo caawiye ka ahaa shan gool, kaddib markii uu horyaalka Ingiriiska kasoo muuqday 27 kullan.

Sida uu daabacay The Express, Mane ayaa bartilmaameed u noqday Inter Milan, laacibkan reer Senegal ayaa Liverpool waxa ay kasoo qaatay kooxda Southampton.

25-sanno jirkan ayaa ololihii 2016-2017, waxa uu ku seeggay dhaawac dhanka jilibka ah, waxanna uu kasoo muuqday kullan ay 3-0 ugu badiyeen kooxda Hertha Berlin, ciyaartan oo ka tirsaneyd kullamada saaxiibtinimo ee xilliga fasaxa.

Arrinta ayaa imaaneyso waqti macallin Klopp uu ku dagaallamayo sidii uu u xafidan lahaa Philippe Coutinho, kaas oo la rumeysan yahay inuu bartilmaameed xooggan u yahay Barcelona.

 

LEAVE A REPLY