RASMI: Manchester United oo ku dhawaaqday saxiixa Nemanja Matic

RASMI: Manchester United oo ku dhawaaqday saxiixa Nemanja Matic

213
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) Kooxda Manchester United, ayaa shaacisay saxiixa ciyaartooyga khadka dhexe ee Chelsea Nemanja Matic, waxanna ay sheegtay inay la gaartay heshiis seddex sanno ah.

Matic, ayaa ugu dambeyn ka tagay kooxda Chelsea, isagoo u saftay 151 kullan muddadii uu joogay Stamford Bridge, xiddiga ayaa dib ula middoobayo macallinkiisii hore Jose Mourinho.

28-sanno jirkaan ayaa u sheegay website-ka kooxda: “Aniga ugu dambeyn waxaan ku biiray Manchester United, waxaa la shaqeyn doonnaa macallinkeygii hore Jose Mourinho waana fursad qaali ah.”

Waxa uu intaasi ku sii daray: “Waqti wanaagsan ayaa lasoo qaatay Chelsea, waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo. Aniga waxaan suggayaa inaan la kulmo kaddibna aan tababar la sameeyo saaxiibadeyda cusub ee kooxda.”

Matic, ayaa qandaraaska uu la galay United, waxa uu dhacayaa 2020, warka waxa uu intaa ku darayaa in lagu iibsaday adduun dhan 40 milyan oo bound.

LEAVE A REPLY