Liverpool oo ku biirtay loollanka Thomas Lemar

Liverpool oo ku biirtay loollanka Thomas Lemar

314
0
SHARE

Liverpool (SONNA):-  Weeraryahanka AS Monaco Thomas Lemar, ayaa la warinayaa inay macquul tahay inuu doorto kooxda Ingiriiska ee Liverpool.

Lemar, ayaa lala xiriirinayay naadiga Arsenal, waxanna ay ku doonneysay lacag dhan 45 milyan oo bound, Monaco ayaa rabto haddii ay lumineyso inay ku weyso lacago intaa ka badan.

Jariirada Le10Sport, ayaa sheegay macallinka Liverpool Jurgen Klopp inuu diyaar u yahay qorshe kasto oo laacibka lagu geenayo garoonka Anfield.

Lemar, ayaa dhalliyay 19 gool kaddib 81 kullan uu kasoo muuqday Monaco, waxanna uu kooxdiisa la qaaday horyaalka waddanka Faransiiska.

AS Monaco, ayaa seddex laacib oo ka mid ahaa safkeeda hore waxa ay aadeen horyaalka waddanka Ingiriiska.

 

LEAVE A REPLY