Barcelona oo u dhaqaaqday Ozil

Barcelona oo u dhaqaaqday Ozil

365
0
SHARE

Barcelona (SONNA):- Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Mesut Ozil, ayaa la warinayaa inuu bartilmaameed u noqday kooxda Barcelona ee ka dhisan waddanka Spain.

Barca, ayaa suuqa ka raadineyso beddelka Neymar oo la hadal-hayo inuu u dhaqaaqo kooxda PSG, iyadoo madaxiisa ay dul dhigtay lacag aad u badan.

Laacibka ugu fiican gobalka Merseyside ayaa u muuqda mid doonnayo inuu waqti la sii qaato kooxdiisa Liverpool, iyadoo bishii January uu saxiixay shan sanno iyo bar heshiis ah.

Wargeyska Don Balon, ayaa oggaaday macallinka cusub ee Barcelona Ernesto Valverde ayaa qorsheynayo inuu 53 milyan oo bound uu kusoo qaato xiddiga heerka caalami ee reer Jarmal.

Ozil, ayaa weli saxiixin heshiis cusub uu ku sii joogayo garoonka Emirates, waxanna uu horay uga soo ciyaaray horyaalka La Liga Spain, isagoo ka tirsanaa naadiga Real Madrid.

28-sanno jirkaan ayaa dhalliyay siddeed gool isagoo caawiye ka ahaa sagaal gool, waxanna uu xagaagan kasoo muuqday horyaalka waddanka Ingiriiska 33 kullan.

 

LEAVE A REPLY