Dowladda Soomaaliya oo shaacisay natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka 2016-2017+Sawirro

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka 2016-2017+Sawirro

2049
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) War ka soo baxay wasaaradda waxbarashada dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegey in Arday ku dhow   16,000 (lix iyo toban kun) oo ka mid ah ardayda sanadkan u fadhiisatay Imtixaanka shahaadiga ee Wasaaradda Waxbarashada ay ka qaaday ardayda dugsiyada sare ee dalka ay ku baaseen  Imtaxaanka.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumada Federaalka  Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanka ku baastay ku dhawaad 16,000 oo arday,

“Tirida imitixaanka ku baastay sanadkan waa 15, 356 arday, 5,094 ay gabdho yihiin halka 10,262 ay wiilal yihiin” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiir ku-xigeenka  Wasaaraddaasi   Feysal Cumar Guuleed wuxuuna sheegay in uu qorshaha imtixaanka ee sanadka uu ahaa inay u  fariistaan  ilaa iyo 23,000 (saddex iyo labaatan kun) oo ardey  laakiin waxaa  imtaxaanka ka qeybgalay  oo u suurta gashay , 18,239 (sideed iyo toban kun, labo boqol, sodon iyo sagaal) ardey,

“23,000 waxa ay ahayd intii is diiwaangelisay, balse waxaa sanadkan imtixaanka u fadhiistay 18,239 arday, inta kale waa ay u suurta geli weysay inay imtixaanka galaan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Soomaaliya.

Tabanka ardey  ee  kaalimaha hore ka galay Imtaaxnka shahaadiga ee sanadkan ayaa waxaa Dowladda Soamaaliya siisay deeqo waxbarasho oo dalka dibadiis ah  sida uu sheegay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khader)

“Tobanka arday ee ugu sareysay waxa ay dowladda siineysaa deeqo waxbarasho oo dibadda ah, oo weliba u cuntama, tikidkiisa iyo noloshiisa dowladda ayaa qabta Insha Allah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaal Dowladda soomaaliya ay dib ugu soo celinayso tayadiiwaxbarashada ee dalka, taasi oo meeshi ka maqnayd 25kii sano ee la soo dhaafay oo dalku burbursanaa.

Halkan ka aqriso natiijada tobanka ugu horeysa ee ardaydaasi

LEAVE A REPLY