Madaxweynaha JF Soomaaliya oo Boqorka Sacuudiga uga Tacsiyeeyay Geerida ku timid Amiir...

Madaxweynaha JF Soomaaliya oo Boqorka Sacuudiga uga Tacsiyeeyay Geerida ku timid Amiir C/raxmaan

834
0
SHARE

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah u diray Madaxda iyo Shacabka Boqortooyada Sacuudiga isagoo uga Tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Amiir Cabdiraxmaan Bin Cabdulcasiis oo ka tirsanaa Qoyska reer Boqor.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wakiil ka ah Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed  ayaa wuxuu Alle ugu baryay inuu Janada Fardowso ka waraabiyo Amiirka Dhintay, sidoo kalana uu samir ka siiyo dowladda iyo shacabka uu ka baxay.

Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale Alle uga rajeeyay Badbaado iyo Caafimaad qab Masuuliyiinta iyo Shacabka Boqortooyada Sacuudiga.

LEAVE A REPLY