Ciidanka Kumaandooska oo burburiyay Saldhig ay lahaayeen Maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska oo burburiyay Saldhig ay lahaayeen Maleeshiyada Al-Shabaab

1135
0
SHARE

Ciidanka Kumaandoos ee dowladda Soomaaliya ayaa Burburiyay Saldhig Maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Kuunya-barow ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe ayaa Warbaahinta Qaranka  u sheegay  in ciidanka Kumaandooska ay xalay qaadeen weerar Qorshaysan kaasi oo lagu burburiyay Saldhiga Argagixisada.

“Saldhigaan wuxuu ahaa mid Al-Shabaab ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada iyo dhibaatooyinka ay u gaystaan shacabka, waxaana hada kuu sheegayaa in gabi ahaanba Saldhigaas la burburiyay.” sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha degmada Baraawe.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa horay u burburiyay xarumo badan oo ay la haayeen Maleeshida Al-Shabaab oo hadafkooda ugu wayn uu yahay dhibaataynta shacaka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY