Qarax Khasaaro gaystay oo ka dhacay Shiinka Dheer”Sawiro”

Qarax Khasaaro gaystay oo ka dhacay Shiinka Dheer”Sawiro”

988
0
SHARE

Siinka dheer(SONNA)-Qarax Gaari ayaa ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Saraakiisha Booliska ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Gaari laga shakiyay isla markaan ay  qabteen ciidanka Ammaanka intii baaritaanka uu socdayna uu Qarxay Gaarigaasi.

Saddex Qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay Qaraxa waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Todobo Ruux oo kale sida ay sheegeen Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Ragii waday Gaariga Qarxay.


Xaquuqda sawirka Oronjo(SONNA)

LEAVE A REPLY