Goorma ayuu furmayaa Kalfadhiga labaad ee Aqalka Sare.?

Goorma ayuu furmayaa Kalfadhiga labaad ee Aqalka Sare.?

574
0
SHARE

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ka warbixiyay xiliga uu furmayo kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Dalka.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in 12-ka Bishaan Juulaay uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare e Dalka.

Wuxuu sheegay in kulanka ugu horeeya diirada lagu saari doono dib u eegiska Dastuurka dalka ayna ka qaybgali doonaan Gudiyada Joogtada ah ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, guddoomiyaasha Baarlamaanada dowlad gobaleedyada, wasaaradda Dastuurka, Ururada bulshada Rayidka ah iyo masuuliyiin kale.

Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka soo laabanaya fasaxii ay galeen markii la xiray kalfadhigii koowaad ee Golaha Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY