Horyaalka heerka seddaxaad ee Soomaaliya oo la shaaciyay xilliga uu furmayo

Horyaalka heerka seddaxaad ee Soomaaliya oo la shaaciyay xilliga uu furmayo

558
0
SHARE

Muqdisho, (SONNA):-  Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa shaaciyay 15-ka bishan July inuu bilaabban doonno horyaalka heerka seddexaad ee kubadda cagta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la sameeyay isku aadka horyaalka, waxanna nasiib u yeeshay inay furaan kooxihii xilli ciyaareedkii hore furay ee Gasco iyo Geeska Afrika, iyagoo kuwada ciyaari doonno garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Xiriirka ayaa waxa kale uu sheegay in labbada garoon ee Banaadir iyo Jaamacaddaha lagu dheelli doonno horyaalka heerka seddexaad ee kubadda cagta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY