Romelu Lukaku oo caafimaadka u marayo Manchester United

Romelu Lukaku oo caafimaadka u marayo Manchester United

565
0
SHARE

Manchester, (SONNA):-  Kooxda Manchester United, ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaartay weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku.

Everton oo uu xiddiga ka tirsanaa ayaa aqbashay 75 milyan oo ginni in looga iibsado ciyaaryahankeeda, waxaanna lagu waddaa waqtiyada soo socdo inuu tijaabadda cafimaad u maro kooxda ku dheesho Old Trafford.

United, ayaa horay Juventus uga soo iibsatay 89 milyan oo ginni xiddiga Paul Pogba.

Dhanka kale Pogba ayaa boggiisa Instagram waxa uu ku shaaciyay sawirr ay kuwada jiraan isaga iyo Lukaku, waxanna uu sii raaciyay hadalkan: “Berri waxaa ku arki doontaan tababarka kooxda weeraryahanka Romelu Lukaku.”

LEAVE A REPLY