Horyaalka kubadda cagta Soomaaliya oo dib u furmayo

Horyaalka kubadda cagta Soomaaliya oo dib u furmayo

853
0
SHARE

Muqdisho, (SONNA):-

Waxaa lagu waddaa in maalinta berri ah uu dib u furmo horyaalka kubadda cagta Soomaaliya oo hakad la geliyay bishii barakeysneyd ee Ramadaan, waxanna 10-ka koox ee ka qeyb galeyso u haray min afar kullan.

Khamiista berri ah, waxaa wadda dheelli doonno kooxaha ciidanka ee Heegan iyo Horseed, waxanna ciyaartaasi adag u soo daawasho taggi doonno dadweyne ka kala yimaado qeybaha ay ka kooban tahay magaalada.

Horyaalka Soomaaliya waxaa hadda hoggaamineyso naadiga Dekadda, waxanna kaalinta labbaad ku jirto kooxda Elman, halka booska seddexaad ay daggan tahay Banaadir Sports Club, oo ah kooxda difaacaneyso horyaalka kubadda cagta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY