Dadka Jabuuti oo u dareeray xuska sanadgurada 40-aad ee xornimada dalkaasi,

Dadka Jabuuti oo u dareeray xuska sanadgurada 40-aad ee xornimada dalkaasi,

894
0
SHARE

Dadka reer Jabuuti waxa ay kamid yihiin shucuubta Afrika ee halganka u soo galay sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan,iyagoo ku guuleystay 27-kii Juun sanadkii 1977-dii in ay soo afjaraan gumeysigii Faransiiska oo dalkaasi maamulayey muddo ka badan 120-sano

Dhulka Jabuuti waxa uu kamid ahaa gobolada dhaca geeska frika ee Joqraafi ahaan iyaga iyo Soomaaliya la isku oranjiray Puntland (dhulkii udugga),waxaana dhamaadkii qarnigii 18-aad iyo bilowgii qarnigii 19-aad Faransiisku uu ula baxay magaca ah dhulka Faransiiska ee Somaliland ,halka sanadkii 1967-dii magacaasi uu u badalay dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha, tobansano kadibna dadka reer Jabuuti ayaa u codeeyay madaxbanaani calaamad looga dhigay Jamhuuriyadda Jabuuti

Sanadihii 1839-1942-dii waa markii ugu horeysay ee gumeysiga Faransiiska uu sahan ku tagay dalka Jabuuti,isagoo ku andacooday in uu raadinaayo goobo uu ka fushado danahiisa ee dhinaca Xeebaha badda Cas ,wuxuuna Jabuuti ugu magac-daray dhulka Faransiiska ee Somaliland,kadib markii sanadihii 1869-1888-87-dii uu heshiis la galay odoyasha beelaha dalkaasi si ay ugu ogolaadaan in uu raaciyaddiisa ku  ballaariyo  gacankaTajura,halka uu gacanta ku hayey magaalooyinka Obokh,Dikhil iyo kuwo kale.

Gobolada Woqooyi iyo Koonfurta dalka Soomaaliya waxaa sidoo kale ka jiray gumeysi lamid ah kii Faransiiska ee xeebaha Jabuuti ,kaas oo ay horseed ka ahaayeen dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga,waxayna arimahaasi ay abuuureen in la yeeshi iska warqab .isla markaana la isu taago sidii meel looga soo wada jeesan ahaa quwadaha shisheeye ee geyiga u yimid in ay ka gurtaan kheyraadka dabiiciga ah.

Dhaq-dhaqaaqii xornimo doonka Soomaaliya ee ay garwadeenka ka ahaayeen dhallinyarada, waxaa islamarkiib ay ku baaheen dalka Jabuuti ,tallaabadaasina waxa ay sababtay in dhallinyaro.aqoonyahan iyo waxgarad kale ay u qummaan sidii looga hoo-sbixi lahaa maamulkii Faransiiska .

Sanadihii1958-dii dowladda Faransiiska oo taageero ka heysatay beelo dega dhulka Jabuuti iyo kuwo Soomaali ah oo daba-dhilif ah ,ayaa qabatay afti dadweyne oo kusaabsan in Jabuuti ay kusii jirto maamulkii Fransiiska iyo in ay qaataan madaxbannaani,waxaana arintaasi ay ku dhamaatay in dadka Jabuti ay ku sii jiraan maamulkaasi.

 


Codeynta aftidaasi,ayaa lagu tilmaamay in ay ku dhacday qaab kushubasho ah oo ay daneynayeen Faransiiska,waxayna arintaasi kallifatay in shacbiga Soomaaliyeed ay colaad iyo naceyb u qaadaan Dowladda ajanabiga ah ee Faransiiska.

Siyaasiyiinta badan oo uu kamid ahaa Maxamuud Xarbi ayaa
doonayey in Jabuuti ay la midowdo Soomaali,isagoo xilligaasi ahaa ku xigeenkii golaha xukuumadda ee maamulka dhulka Faransiiska,wuxuuna sanadkii 1960- ku dhintay shil diyaarad oo lagu micneeyay in uu ahaa shirqool ay maleegeen cadowga shisheeye.

Maxamuud Xarbi oo ahaa siyaasi jecel midowga dadka Soomaaliyeed,isla markaana ka horjeeday gumeysiigii caddaanka,waxaa dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu aha magallada Muqdisho ay ku sharaftay in marxuumkaasi magaciisa loogu yeero mid kamid ah dugsiyada waxbarashada ee caasimadda Soomaaliya.
Cali Caarif Burhaan oo sanadihii 1960-1966-dii qabtay jagadaasi uu banneeyay marxuumkaasi,waxa uu ahaa nin neceb midowga dadka Soomaaliyeed,waxaana sanadahaasi magaalada Muqdisho iyo kuwo kale lagu qabtay bannaanbaxyo lid ku ah siyaasigaasi.

Walow ay jireen dhaqdhaqaaqyo ka horjeeday maamulkii Fransiiska sida Somali Pan,haddana sanadkii 1963-dii wixii ka dambeeyay waxaa xoogeystay kacdoonkii la magacbaxay xoreynta xeebaha jabuuti,taasina waxa ay dhalisay in dad badan ay naftooda,halka kuwo kale uu soo gaaray  dhaawacyo naafeeyay xubno kamid ah jirkooda,waxaana intaa dheer kumanaan ruux oo laga masaafuriyay dalka Jabuuti iyo qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysiga Faransiiska.

Inkastoo dadkaJabuuti ay jeclaayeen in ay ku soo biiraan Soomaali weyn ,haddana, Waxaaj iryay cabsi laga qabay dowladdii ay maamulka u hayeen ciidamada mileteriga e ku saleysnaa xukun keli talis ah iy arimo kale oo la xiriiray quwadaha shisheeye oo aan dooneyn in awoodda dadka Soomaaliyeed ay ku fiddo geeska Afrika,ayaa keentay in uu isbedel ku yimaado hankii ama hammigiil la doonayey in la gaaro.

Aftila qabtay 8-dii May 1977-dii dadka ree, waxa ay u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani,iyagoo bil kadib
27-kii June 1977-dii u dareeray doorashooyin uu ku soo baxay madaxweynihi i ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-dii

Xafladdii caleemo saarka ee Madaxweyne Xasan Guuleed,waxaa dowladda Soomaaliya uga qeybgala Mudane Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa madaxweyne ku xigeenka iyo qaar kamid ah wasiradii xukuumaddii mileeriga ee dalka,waxayna shacbiga reer Jabuuti la qeybsadeen farxadda callan-saarka iyo munaasabadihii kale ee lagu maamuusay 27-ka Juun.

Sanadkii 1999-kii dalka Jabuuti waxaa lagu qabtay doorashooyin ku dhisan habka xisbiyada badan,waxaana ku soo baxay Mudame
Ismaaciil Cumar Geelle oo la tilmaamo in uu dalka gaarsiiyay horumar baaxad leh oo la taaban karo.

Haddaba maanta oo ah 27-ka Juun ee xuska sanadguurada 40-aad ee ka soo wareegatay markii dalka Jabuuti uu sandkii 19770dii xoriyaddiisa ka qaatay dalka Faransiiska,waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka kala dhacayaan dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti,kuwaas oo ay ka qeybgaleen madaxda iyo shacabka labada dal.

Munaasabadda 27-ka Juun oo sanadkiiba mar la qabto waxaa lagu soo bandhigaa halgankii ay dadka Jabuuti u soo galeen xoriyadda iyo sida loo sii xoojin karo howlaha ku aadan horumarka socda iyo kuwa la rajeynayo in la qabto mustaqbalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska munaasabadda sanadguurada 40-aad ee ka soowareegatay markii la helay xoriyadda dalka Jabuuti aawadeed u diray guud ahaan shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan dadka reer Jabuuti ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda.
Madaxweyne Ismaaciil oo xalay la hadlay dadka reer Jabuuti ayaa xusay halgankii dheeraa ee loo soo galay xoriyadda dalkaasi iyo guulihii ay ka soo hooyeen kacdoonadii lagu tuuray gumeysiga,wuxuuna u rajeeyay dadka reer Jabuuti in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan barwaaqo iyo baraare.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo qaar kamid ah golaha xukuumadda iyo kan shacabka,ayaa iyaguna dhambaal hambalyo ah oo la mid ah kaa u diray shacabka iyo xukuumadda reer Jabuuti

DalkaJabuuti oo ah waddankii ugu dambeeyay ee xotiyad ka qaata mustacmiraddii Faransiiska ee qaaradda Afrika sanadkii 1977-dii waxa uu dhacaa Jugraafi ahaan dhul Istraatiiji ah oo kulaala badda Cas yo gacanka Cadmeed,islamarkaana xuduudo la leh dalalka Soomaaliya,Ereteriyai yo Iyoobiya

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay dalka Jabuuti waxa uu ku tallaabsaday horumar lixaad leh oo aysan gaarin Soomaalida kale oo lagu tilmaamo in uu ku yimid dib u dhac la mid ah sanadihii ay soo kabteen dadka reerJabuuti,waxana xilligaan ka muuqda dhismaha dekedo iyo waddooyin tareen
oo dalka soo gelin kara dhaqaalo badan oo wax ku ool ah.

WQ Shire Xasan Kulmiye

LEAVE A REPLY