WAR DEG DEG AH ciidanka amniga dalka oo gacanta ku soo dhigay...

WAR DEG DEG AH ciidanka amniga dalka oo gacanta ku soo dhigay horjoogihii al shabab ee u qaabilsana dhibateynta shacabka Muqdisho

2257
0
SHARE

Horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa dhibaataynta Shacabka magaalada Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidanka Ammaanka, sida uu xaqiijiyay wasiirka Amniga.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaanan faah faahin intaasi dheer aanan ka bixin arrintaan laakiin waxaa lagu wadaa in goor dhow dowladdu ay shaaciso horjoogahaan magaciisa iyo halka Ciidanka Ammaanka ay ka qabteen.

Mudooyinkaan danbe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socday Howlgalo ay wadeen ciidamada Amaanka ee loo xilsaaray Xasilinta Caasimadda dalka, waxaana ay ku guuleesteen inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka dagan magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY