Hub ka dhigista Dowladda ay Muqdisho ka wado yaan laga dhigin Hub...

Hub ka dhigista Dowladda ay Muqdisho ka wado yaan laga dhigin Hub ka dhicis. (FAALLO)

1898
0
SHARE

Dunida Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalkeena Soomaaliya ma ahan meesha ugu horeysay ee laga Sameeyo howlgal xasilin ama hub dhigis ama xakameen balse waxaa ii muuqata kala fikir duwaanaasho bulshada dhexdeeda ah.

Wadamo badan oo dunida hada horumaray ayaa waxa ay horay usoo sameeyeen howlgalo iyo heshiisyo hub ka dhigis ah kuwaasi oo ay ku guleysteen, waxaana jira sharciyo iyo hishiisyo badan oo quseeya arintaan kuwaasi oo lagu gaaray meelo badan oo dunida ku yaala oo ay ka mid tahay Geneva Swizerland.

Hub ka dhigis waa waxyaabaha ugu adag ee la sameeyo uguna caqabadaha badan dunida marka aad baarto ama aad aqriso buugaagta laga qoray mowduucaan waxaana jira buugaag fara badan oo qoran kana hadlayo hub ka dhigis sida buuga loogu magac daray “Hub ka dhigista iyo Mareekanka” ee uu qoray Benjamin Williams sanadkii 1973.

Magaalada muqdisho waxaa kuwada nool malaayiin ruux oo afar nooc u qeybsan Dowlad Hubeysan, Shabaab Hubeysan, Shacab Hubeysan , iyo Shacab aan Hubeysneyn waxaana mar waliba la dulmiyaa lana dhibaateeyaa Shacabka aan hubeysneyn ayagoo loogu soo ganbanayo Shaati Shabaab Ama Mid dowladeed.

Howgalka xasilinta caasimada waa howl gal curdun ah oo hada dhaw bilowday marka aan dhageystay hadalada ay jeedinayaan saraakiisha amniga waxaa kuu muuqaneysa in ay jiraan fursado badan oo wanaag uu ka muuqdo sida dowlada in ay diidantahay oo kaliya in hubka magaalada lagu dhex wato taasina waa xal dan u ah qof walba oo Nabad iyo Nolol raba.

Hanaanka hub ka dhigista ee dadka qaar ay u turjunteen hub ka dhicis waxa uu mari doonaa habab badan oo u baahnaan doona in la qeexo lana muujiyo waajibka saaran Dowlada iyo xaqa uu leeyahay Muwaadinka hubeysan iyo waliba xaqa lagu leeyahay.

Qof soo iibsaday Bastoolad, Aake, Daba jeex, Ama gaari cabdi bille ah si uu naftiisa ugu ilaaliyo in laga qaado waa mid xanuun badan qofkana ku ridi karta mooraal dilaac ku aadan cida naftiisa badbaadineysa iyo sida uu ku heli lahaa lacagta uu kusoo iibsaday hubkaas maadaama ay dowlada kala wareegtay.

Balse dowlada ayaa waxa ay wadaa  qorshe lagu ilaalinayo dhamaan dadka u baqanayo naftooda ilaa iyo xad waxaana rajeyn doonaa arintaas in lagu daro arin dhaqaale celin ah taasina waxa ay fududeen doontaa in dad badan aysan hubka duugan oo ay Dowlada kusoo wareejiyaan.

Safar walba oo Kun talaaba ah waxa uu ka bilowdaa koow hub ka dhigista hada ka bilaabatay Muqdisho waxaa xigi doonta magaalooyin badan oo hubka sida muqdisho loogu wato in hubka laga dhigo tàasina waxa ay yareyn doontaa in shacabka aan hubeysneyn ay ku dhintaan si maxaa kaa galay ah oo umada dhan ay noqdaan dad ilaahey ka sakow amniga ka suga Dowlada ee aan gacantooda ku tashan.

Hal qof oo hubeysan oo qabiilkaaga ah oo kaliya difaacanaya naftiisa, Tan waalidkiisa, iyo tan caruutiisa inta aad ku taageeri laheyd in Dowlada aysan Hubkiisa ka qaadin soo kaagama wanaagsana in aad Dowlada ku taageerto in ay hubka isaga ka qaado ayna kuu badbaadiso Kumanaan qabiilkaaga ah oo gardaro ama qarax lagu dili lahaa Badbaadada Shacabka waxaa masuul ka ah Dowlada qabiilka waxa uu dib kuugu celinayaa Mugdigii iyo cidladii muqdisho ay horey usoo martay Hub ka dhigista dowlada maaha hub ka dhici ee waa badbaadinta qoyskaaga iyo qabiilkaaga.

WQ Sharmake Abukar Amin

LEAVE A REPLY