Kulan looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta amniga oo lagu...

Kulan looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta amniga oo lagu qabtay Degmada Shibis “SAWIRRO”

954
0
SHARE

Muqdisho,(SONNA):-Kulan dadwayne oo uu soo abaabulay Maamulka Gobalka Banaadir kuna saabsan sidii Maamulka iyo shacabku isaga kaashanlahaa ka hortagga falalka Argagixisada Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Degmada Shibis ee Gobalka Banaadir.

Kulanka oo halku dhig looga dhigay Ha Qarsan Dhagarqabayaasha Shabaab kuna wargali Maamulka iyo Ciidamada amaanka qofkasta oo aad uga shakiso Shabaab ayaa waxaa looga hadlay dhibaatada ficillada Xagjirka, iyadoo ay halkaasi hadalo ka jeediyay qeybihii kala duwanaa ee bulshada ee lagu casuumay munaasibadda Furitaanka.

Taliyaha Booliska Saldhigga Shibis Gaashaanle Xabad Habarwaa oo la hadlay bulshada Degmada Shibis ayaa ballanqaaday in booliska Degmadu ay 24 Saac heegan u yihiin la shaqeynta dadweynaha Degmada, isagoo codsaday in ay si toos ah iyo si dadbanba Xafiiskiisa ugu soo gudbiyaan qofkii ay ka shakiyaan si bulshada looga badbaadiyo qatartiisa.

Agaasimaha Waaxda Diinta Wasaaradda Owqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Sheekh Cali Dheere oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in fikirka Xagjirnimada uu dalka Soomaaliya soo gaaray wixii ka dambeeyay sanadihii Sagaashameeyadii, kaas oo markii dambe soo xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2006.

Sheekh Cali Dheere ayaa qeybaha bulshada ugu baaqay in meel looga soo wada horjeesto kooxda Al Shabaab, isla markaana lala shaqeyo hay’adaha Ammaanka.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa ammaantay barnaamijka SAMAWADE, iyadoo dadweynihii kulanka kasoo qeybgalay ku tirtirsiisay in Qofkii gurigiisa ku qariya kuwa dadka dilaya uu isagu yahay Xagjir

“Xagjir majiro ee waxaa Xagjir ah bulshada guryaha ku qarsaneys kuwa Xagjirka ah ee maalin kasta dilaya haweenka iyo waayeelka, hadii aan inagu u midowno in aan ka hortagno waan ka adkaaneynaa shaki la’aan” ayay tiri Marwo Jawaahir

Guddoomiyaha Degmada Shibis Faa’isa Sheekh Cali Casan Jimcaale ayaa sheegtay in barnaamijkaan uu mihiim u yahay isku xirnaashiyaha Maamulka Degmada iyo Bulshada ku nool Degmada Shibis, waxayna dadweynaha ku dhiirrigelisay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, degmaduna ay buuxindoonto shuruudihii looga baahnaa ee la xiriira dhinaca Ammaanka.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Cali Siciid oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka hadlay ahmiyadda Ammaanku uu u leeyahay deegaanka, wuxuuna ballanqaaday in maadaama uu matalo Degmada Shibis in talo iyo tusaale siin doono maamulka Degmada, isagoo tilmaamay in haddii aan amni jirin aysan nolo jirin.

Bulshooy Waxaad Qarsato Weey Ku Qarsadaan.

  

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

LEAVE A REPLY